U bood dhigaalka

Xildhibaan Keith Alison “Waan ku Dadaalayaa In Aanan LA Xirin Xawaaladaha Mareykanka”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan aqalka congress-ka Mareykanka oo ah kan kaliya ee islaamka ah, lagana soo doorto gobolka ay Soomaalida ee Minneapolis ayaa Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke in uusan marnaba ka daali doonin dagaalka uu ugu jiro in aanan la xirin xawaaldaha Soomaalida.

Waxa ay labada mas’uul ku kulmeen dalka Mareykanka halkaasi oo uu booqasho ku joogo Ra’isulwasaare Cumar iyo wafti uu hoggaaminayo.

“Waan sii wadi doonaa in aan xubnaha Congress-ka Mareykanka iyo laamaha dowladda kala shaqeeyo in ay xawaaladaha sii shaqeeyaan, in hubanti laga dhigo in qof kasta oo Soomaali uu yahay mid nabdoon gudaha dalkiisa, waana in loo doodaa qaxootiga ku jira xerooyinka Dhadhaab” ayuu yiri Alison.

Ra’isulwasaaraha ayaa arrimaha uu halkaasi u joogo waxaa qeyb ka ah in dowladda Mareykanka kala hadlo arrimaha xawaaladaha Soomaalida oo bangiyo halkaasi ku yaala ay xireen akoonada ay ku leeyihiin, kadib markii la sheegey in lacago loo direy kooxo falaago ah oo Soomaaliya ku sugan.

Goobjoog News