U bood dhigaalka

Xildhibaan Khaliif Maxamed “Kismaayo Waxaa Ka Socda Dano Shaqsiyadeed”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegay in isagu ay u muuqdaan waxa ka socda magaaladaasi inay yihiin kuwo lagu raadinayo dano shaqsiyadeed.

Waxa uu tilmaamay in ka xildhibaanno ahaan ay la kulmeen madaxda maamul gobaleedyada iyo kuwa dowladda Federaalka ah, islamarkaana uu arkay in cid walba ay iyadu u mooddo inay hayso waddo sax ah.

“Waxaan dareemayaa in nin walbo maslaxaddiisa uu meesha ka eegayo, waxa meesha ka socdo ee aan arkay waa dano shaqsiyadeed, laakiinse waxaan leeyahay dib u eega danaha shacabka, waan la kulannay 7-da shaqsi ee howshaan waddo, laakiin rajo isku tanaasul ah wey imaan kartaa” ayuu yiri Xildhibaanka.

Waxa uu ku taliyay xildhibaan Khaliif in madaxda dalka aanay eegin danahooda gaarka ah ee ay eegaan waxa ay rabaan shacabka Soomaaliyeed, xalkana halkaasi uu ku jiro waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dalka waxaa dan u ah wixii ay dadku rabaan, hadii la yeelo waxay dadku rabaan oo laga wareego waxay rabaan shaqsiyaadka gaarka ah dalka waa uu hagaagayaa’ ayuu hadalkiisa raaciyay xildhibaanka.

Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose waxaa ka soconaya shirka madasha wadatashiga Qaranka oo la doonayo in gabagabadiisa laga soo saaro go’aan mid ah kuna saabsan hanaanka ay u dhici doonto doorashada 2016-ka.

Goobjoog News