U bood dhigaalka

Xildhibaan Khaliif Maxamed “Mooshinka Waa Mid Madaxweynaha Lagula Xisaabtamayo”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan meel marinta mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu sheegay in guddoonka baarlamaanka uu weli gacanta ku hayo Mooshinka, islamarkaana aanu u gudbin maxkamadda sare ee dalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay madaxweynaha in lala xisaabtamo, isaga oo hoosta ka xariiqay in baarlamaanka aanu fasax geli doonin, maadaama shaqooyin mooshinka ka mid yahay yaallaan.

Waxa uu xildhibaanka tilmaamay in hadii dib u dhac uu yimaado in ay mas’uul ka yihiin guddona baarlamaanka iyo maxkamadda sare, balse ka xildhibaanno ahaan ay u diyaar garoobayaan kalsooni kala laabashada Madaxtooyada.

“Mooshinkaan waa mid madxweynaha lagula xisaabtamayo, qofka hadii uu dambi galaa waa in cadaaladda la geeyaa, midda kale anaga waxaan la yaabannahay weli waxa uu guddoonka baarlamaanka u hayo mooshinka oo aanu madaxweynaha ugu gudbin, kaliya warqad Lifaaq ah baa laga rabay intaasna Seddax maalin kama badan lahayn” ayuu yiri Xildhibaanka.

Mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan waxaa gudbiyay in ka badan 90 mudane, kuwaasi oo sheegay in madaxweynaha uu ku xadgudbay Dastuurka dalka u yaalla.

Goobjoog News