U bood dhigaalka

Xildhibaan ku dhaliilay madaxwaynaha Soomaaliya shirka Kismaayo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay shirka ka socda magaalada Kismaayo mid keeni doono iska hor imaad cusub oo ka dhex dhasha shacabka Jubbooyinka iyo Gedo.

Mudane Xuseen Maxamuud Muuse (Baantuu) ayaa u sheegay Goobjoog FM in shirkaasi ay la wareegeen dad gaar ah, isla markaana laga weeciyay hannaankii loogu tala galay.

Xildhibaanka ayaa dhanka kale xusay in madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya socdaalkiisii Kismaayo iyo furitaanka shirka uu ahaa mid uu ku deg degay.

“Qalad ayuu ku tagay madaxwaynaha meel aan heshiis lagu ahayn , waqti munaasab ahna ma uusan tagin oo waxaan u aragnaa dagaal hurin.” Ayuu yiri xildhibaan Xuseen Maxamuud Muuse (Baantuu).

Hadalka xildhibaanka ayaa ku soo aadaya xilli shir lagu tilmaamay in uu yahay gogol xaar uu ka socdo magaalada Garbahaarey, shirkan ayaa lagu micneeyay in uu bilow u yahay shirka dib u heshiisiinta dadka dega Jubbooyinka iyo Gedo.

Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Xuseen Maxamuud Muuse (Baantuu):