U bood dhigaalka

Xildhibaan ku Eedeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay La Wareegtay Kaalintii Dhaqanka ee Shirka Jowhar

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka hadlay kulamo xasaasi ah oo ka socda magaalada Baladweyne loogana arrinsanayo xaaladda maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelle isagoo ku eedeeyay wasaaradda arrimaha gudaha iney qaadatay kaalintii cid kasta.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku bilaabay in ay u joogaan gobolka Hiiraan  shir wada tashi ah oo odayaasha dhaqanku ugu yeereen, waxa kale oo uu yiri xildhibaanka dastuurku waxa uu ku waajibinayaa xilliga uu fasaxa tago deegaan doorashadiisa xaaladdana la soo wadaago, una sharaxo wixii la soo qabtay fasaxan iyo inta u dhaxeysa kii hore, isla amarkaana uu weydiiyo dhibaatooyinka iyo horumarka gobolku ku tallaabsaday.

Goodir waxa uu xusay in ay odayaashu u sheegeen dhaliisha ay ka qabaan maamul u sameynta labada gobol ee hadda madasheedu ka furan tahay magaalada Jowhar, isagoo xusay in ay dhawaan kasoo saareen bayaan cad oo ah sida loo maamulayo iyo sida ay wax u socdaan aysan ku qanacsanayn oo ay doonayaan in talada dib loogu soo celiyo.

Xildhibaanka ayaa waxa uu eedeyn kulul dusha uga tuuray wasaaradda arrimaha gudaha ku tilmaamay iney ay qaadatay dowrkii ay lahayd cidkastaa ;”Wasaaradda arrimaha gudaha waxay qaadatay dowrii xildhibaanada, waxay qaadatay dowrii duubabka, dowrkii ay la haayeen odoyaasha dhaqanka deegaanka , waxyna noqotay in wax loo yeeriyo dadka dowrkii cid kasta lahaydna ay qaadatay”.

Aniga labadan gobolba waa isku key mid , labadaba waxaan u ahay xildhibaan dadkeyguna wey wada dagaan, waxaan dhaliilsan nahay ayuu yiri ; qaabka  wax loo maareeyay iyo cidda awoodda u lahayd iney wax dhisto oo aan wadadii saxda ahayd loo marin.

Ugu danbeyn waxa uu ka dhawaajiyay sida uu u arko xalka loogana bixi karo caqabadda hortaagan maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, waxaanuu ku sheegay; in la siiyo kaalintii odeyaasha dhaqanka ee ku aadaneyd maamul u sameynta, xildhibaanada oo iyagana kaalintoodii la siiyo maadaama ay shacabka matalaan iyo dowladda oo ku ekaata kaalinteeda ku aaddan fududeynta, go’aankuna uu ka yimaado dadka.

Goobjoog News