U bood dhigaalka

Xildhibaan Ku Eedeeyay Xukuumadda Federaalka In ay Ka Gaabisay Xiriir Wanaagsan Oo Ay La Yeelato Kenya

Sheeko:Baarlamaanka

Wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo isugu jiray xildhibaanno wasiirro ayaa mudo saacado ah lagu xayiray garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi 21-kii bishan, inkastoo Ra’iisul wasaaraha iyo xubno wasiirro ah markii dambe loo ogolaaday iney safarkooda sii wataan ayaa haddana wxaa garoonka lagu xayiray inta badan wafdigii.

Haddaba dhacdadan ayaa yeelatay saameyn xooggan oo dhanka xiriirka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya oo aad looga xumaaday sida ay u dhaqantay dowladda Kenya oo loo arkay iney dhulka ku jiidday sharaftii Soomaaliya, isla markaana ay bulshada caalamka tustay iney wax xushmad ah haba yaraateen aaney u hayn.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Goobjoog News hoosta ka xarriiqay; in si kasta oo ay ku dhacdaba sharaftii Soomaaliya meel looga dhacay, isagoo ku eedeeyay wasaaradda arrimaha dibadda iyo baratakoolka xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo waliba safaaradda Soomaaliya ee Kenya iney ka gaabiyeen mas’uuliyadoodii, wadadii habooneydna ay raaci waayeen, isla markaana tilmaamay iney jirtay is dhaaf wafdiga Kenya loo sheegay iyo xubnaha Ra’iisul wasaaraha la socday oo aad uga badnaa tiradii laga filay.

Waxa uu xildhibaanku sheegay in dowladda Kenya lagu wargaliyay in wafdiga Ra’iisul wasaaruhu ka kooban yahay 6 xubnood, laakiin la arkay dhowr iyo labaatan qof oo VIP-da garoonka kusii qulqulaya, taasina ay dhalisay shaki badan iyo in loo arko arrin taabaneysa ammaanka garoonka Jommo Kenyatta .

Xildhibaannadii wafdiga la socday ayaa markii hore loogu dhuftay Visaha, laakiin markii danbe ayaa laga kansalay, iyadoo muddo 15 saacadood iyo ka badan lagu xayiray garoonka.

Xildhibaan shariif ayaa xusay, in Dowladda Kenya laga filayay iney xeeriso xiriirka saaxiibtinimo iyo xiriirka qotada dheer ee labada waddan, laakiin ay taasi dhici weyday.

Waxa uu xildhibaanku ku eedeeyay xukuumadda Soomaaliya iney ka gaabisay iney xiriir fiican oo diblumaasiyadeed la yeelato dowladda Kenya, uuna jiro fashil dhankaas ka haysta xukuumadda, xiriirkii meeshii la rabay ma’aaney gaarsiin taasina waa marag ma doonto.

Ugu danbeyn xildhibaanka ayaa yiri “meel ka dhac kasta oo lagu sameeyo madaxda qaranka waxay taabaneysaa sharafta dadka iyo dalka Soomaaliyeed”.