U bood dhigaalka

Xildhibaan Lagu Dhaawacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wararka ay Goobjoog News ka heleyso meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa qarax lagu la eegtay caawa xildhibaan ka tirsan gollaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Faahfaahinta aynu ka heleyno ayaa intaa ku daraysa in xildhibaanka oo lagu magacaabo Maxamed Mursal Maxamuud(Booroow) uu dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi oo loogu xiray gaarigiisa.

Ilo wareedyo ammaanka ah ayaa xaqiijinaya in sidoo kale hal qof uu ku dhintay qaraxani.

Wali hay’adaha amniga kama aynaan hadlin, waxaana qaraxani uu imaanayaa iyadoo dhowaan hadal uu ka jeediyay magaaladani Muqdisho madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu ku sheegay in amniga uu faraha ka baxay islamarkaana xildhibaannada uu faray in ay si fiican u taxadaraan.

Goobjoog News