U bood dhigaalka

Xildhibaan Magan “Shacabka Gedo Wax Aysan Rabin Laguma Qasbi Karo”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan gobalka Gedo aan marnaba lagu qasbi karin maamul aysan iyagu raali ka ahayn.

Waxa uu sheegay in maamulka Jubbaland maamulkii uu soo magacaabay in ay yimaadaan degmada Garbahaarey, balse aysan jirin meel ay ka shaqeeyaan ama shacab ay matalaan.

mudanaha oo taageero maamulkii hore e gobalkaasi ayaa sheegay in doorasho xalaal ah lagu doortay gudoomiyaha cudub ee degmada Garbahaarey, islamarkaana midkii hore uu xilka isaga tagay ka dib buuq badan oo degmada ka dhacay.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in dalka Federaal uu yahay, shacabkana aan lagu qasbeyn wax aysan rabin, sida maamulka gobalka Gedo loo soo magacaabay waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Shacabkii rag baa kor looga keenay oo ay wadaan ciidamada Itoobiya, marka marnaba ma aysan ogolaan shacabka, waxa aan u baahannahay kaliya waa dadku maxay rabaan, waxay hadda dadku keensadeen gudoomiyahii degmada Garbahaarey, waxayna u arkeen shaqsi wax u qabanaya” ayuu yiri xildhibaan Magan.

Xiisad siyaasadeed ayaa maalmihii ugu dambeysa wax ay ka jirta degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo, waxaana la’isku haystaa maamulka gobalkaasi.

Goobjoog News