U bood dhigaalka

Xildhibaan Mahad Salaad: Colaad Wiil Kuma Dhashee Wiil Baa Ku Dhinta

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa baaq nabadeed u diray beelo ku dagaalamaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Mahad oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri “Waxaan ku baqaynaa in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka aloosan  tuulooyinka hoos yimaada degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan”.

Mudane Salaad waxaa uu intaasi ku daray “Sidoo kale waxaan ka codsanaynaa madaxda maamulka Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Ugaasyada labada belood iyo Cuqaasha Dhaqanka in si deg deg ah uga howl galaan sidii colaadaas loo joojin lahaa”.

Ugu dambeyntii, waxaa uu xildhibaan Mahad Salaad ka hadlay xummaanka colaadda isaga oo yiri “Colaadna wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta ee fadlan fursad hala siiyo nabadda iyo joojinta dhiiga dadka walaalaha ah ee daadanaya”.

Beelo walaalo ah ayaa ku dagaalamaya degmada Maxaas, waxaan todobaadkan arrintaasi darteed halkaasi u joogay mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Hiiraan, laakin waxaa uu muuqato in xiisaddii ay weli taagantahay.

Goobjoog News