U bood dhigaalka

Xildhibaan Mahad Salaad: Kalsooni Laguma Qabi Karo NISA

Sheeko:War

Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) shalay waxay sheegtay in qarixii Ex-Koontarool ay ka danbeeyeen dowlado shisheeye. Xogta ay hayaana ay la wadaagi doonaan Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkood. Saacado kadibna Alshabaab ayaa sheegatay in ay ka danbeeyeen qaraxaas shacabka lagu xasuuqay.

Soomaaliya waa dowlad madaxbanaan, hay’ado daatuuri ahna leh. Hay’adda Nabad Sugida waxaa korjoogteyn iyo la xisaabtan ku leh Goleyaasha Barlamaanka ee shacabka Soomaaliyeed matela hadii ay hayaan macluumaad la xiriira qaraxa iyo cidii ku lug lahayd na waxay ahayd in ay la wadaagaan hay’adaha dowlada ee ma ahayn in la yiraahdo waxaan la wadaagaynaa hay’ado iyo dawlado shisheeye.

Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed waalid, walaal, ehel, xigto, xigaalo, qaraabo iyo deris ee la barooranaya dhibaatadii soo gaartay uma baahna in dhibkooda la siyaadadeeyo. Mana aqbali karno in Mogadishu laga dhigto fagaare dawlado shisheeye isku baacsadaan iyadoo mar walba dhibanahu yahay muwaadinka Soomaaliyeed.

Arintan waxay meesha ka saaraysaa kalsooni lagu qabi karo hay’adda Nabad Sugida hadiiba loo isticmaalayo fulinta ajandeyaal iyo dano dowlado shisheeye leeyihiin!

Waxaa qoray Xildhibaan: Mahad Salaad