U bood dhigaalka

Xildhibaan Mahad Salaad oo Madaxweyne Farmaajo Ka Dalbaday inuu Ka Laabto Dacwadda Wariye Cabdicasiis Gurbiye

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu madaxweyne Farmaajo kaga dalbaday inuu ka laabto dacwadda wariye Cabdicasiis Gurbiye oo ah tifaftiraha guud ee Goobjoog xilli madaxweynuhu sheegay in saxaafadda aan loo cuskan doonin xeerka ciqaabta ee la sameeyay 1964 kaas oo ah mid duugoobay.

Mahad Salaad oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri “Laakiin Mudane Madaxweyne waxaa ka horeeya ballanqaadankan in aad marka hore ficil ahaan u muujiso in ballanqaadkaasi aad fulineyso adiga oo dib ula noqonaya dacwadaha ciqaabta ee aad ku soo oogtay suxufiyiin gudanaya hawlahoodii shaqo kuwaas oo ugu horreeyo Wariye Cabdcasiis Gurbiye kaas oo ah suxufigii bannaanka soo dhigay maashiinkii neefsiinta (Ventilator) ee Madaxtooyadu ka qaadatay Isbitaalka Martiini horraantii bishii Abriil”.

Madaweyne Farmaajo waxaa uu ka hadlay in maamulkiisa aanu u dulqaadan doonin in saxaafadda loo aamusiyo fikir siyaasadeed kana hortagi doonno dhib kasta oo loo geysanayo.

Halkaan ka akhriso qoraalka uu soo saaray xildhibaan Mahad Salaad

Ugu horeyn waxaan hambalyo ku aadan dabbaaldega Maalinta Xorriyada Saxaafada Dunida u jeedinayaa dhammaan saxafiyiinta iyo warfidiyeenada dunida meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan warfidiyeenada Soomaaliya ee si gaar ah ugu shaqeeya duruufo adag oo ay ugu horeeyaan xadgudubyada ay laanta fulinta dowlada federaalka iyo laamaheeda Amniga iyo Garsoorku ay ku hayaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay May 3, 2020 ballanqaaday in dib-u-habeyn lagu sameynayo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed gaar ahaan qodobada halista ku ah xorriyada warbaahinta iyo saxaafadda xilli uu hambalyo u dirayey suxufiyiinta Soomaaliyeed. Waan soo dhoweynayaa.

Marka hore Madaxweyne, fulinta ballanqaadkaas waa lagaaga fadhiyaa. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeedna waxa uu kaa sugayaa in aad xukuumada ku amarto in ay si degdeg ah u geeyaan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka hindisaha wax-ka-bedelka Sharciga Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Laakiin Mudane Madaxweyne waxaa ka horeeya ballanqaadankan in aad marka hore ficil ahaan u muujiso in ballanqaadkaasi aad fulineyso adiga oo dib ula noqonaya dacwadaha ciqaabta ee aad ku soo oogtay suxufiyiin gudanaya hawlahoodii shaqo kuwaas oo ugu horreeyo Wariye Cabdcasiis Gurbiye kaas oo ah suxufigii bannaanka soo dhigay maashiinkii neefsiinta (Ventilator) ee Madaxtooyadu ka qaadatay Isbitaalka Martiini horraantii bishii Abriil.

Madaxweyne, ballanqaadkaaga ku aaddan dib u habeynta Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo maxkamadeynta suxufiyiinta adigoo adeegsanaya isla qodobbadaasi halista ku ah xorriyadda Saxaafadda waa is ay diidayaan, ifafaalle fiicana uma ahan fulinta ballanqaadkaaga.

Madaxweyne, dib ula noqo dacwada aad ku afjigeyso suxufiyiinta Soomaaliyeed adigoo mahadsan

Hon. Mahad Salad

Goobjoog News