U bood dhigaalka

Xildhibaan Mahad Salaad Oo Sheegay in XFS Damacsan Tahay Dilal iyo Caburin

Sheeko:Amniga

Mahad Salaad, oo ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa waxaa uu ka hadlay magacaabistii kala duwaneyd ee shalay isaga oo intaa raaciyey in ujeedkeedu yahay mid Madaxweyne Farmaajo ku damacsanyahay fulinta dilal, fulinta awaamiir ka baxsan sharciga iyo caburin.

Mudane Mahad Salaad oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri “Magacaabistii shalay waxaa iiga muuqata in Madaxweyne Farmaajo ku talo galay in uu aruursado dad wax u dila, fuliyana awaamirtiisa si ka baxsan xayndaabka sharciyadeed ee dalka u yaalla iyo kuwa caalamiga ahba. Sidoo kale in la doonayo in la sii kordhiyo caadiska iyo caburinta lagu hayo shacabka degan Gobolka Banaadir iyo dadka siyaasad ahaan ka aragti duwan Madaxweynaha, laakiin aan lagu talo galin dhismaha ciidan qaran, mid horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid isla xisaabtan toona.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa RATI HOOG NINKII RARA HAANTA WEYN AYUU KA FURTAA. Dadka degan gobolkaan dagaal kaligitaliye, mid sokeeye, mid qabqable, mid Itoobiyaan iyo mid argagixiso mid mid ayaa loogu soo tijaabiyay waana lagu hoogay. Marka qofka ku fakaraya wadadii shalay lagu hoogay in uu maanta dib ugu laabto waa mid ugu talo galay RATIGA HOOG HAANTA UGU WEYN IN UU KA FURTO!”

Shalay waxaa ay xukuumadda sameysay magacaabis kala duwan, oo ay ku jireen taliyeyaasha ciidanka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Goobjoog News