U bood dhigaalka

Xildhibaan Maryan Cariif: 8 arrimood oo Masiiri ah ayaa u baahan in xal laga gaaro

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha guddiga dib u eegista dastuurka ee golaha ayaa sheegtay in dalku u baahan yahay in xal laga gaaro 8 arrimood oo masiiri ah.

Xildhibaanka oo ka hadleysay Sabtidii shir loo qabtay Qabyo-qoraalka hindise sharciyeedka Jinsiyadda ayaa ku nuux nuuxsatay 8 arrimood oo masiiri ah, loona baahan yahay in xal laga gaaro:

“Arrimaha masiiriga ah ee dalka waa 8 arrimood oo u baahan in laga wada tashado, waxyaahani qabiil way ka sarreeyaan gobolna waa ka sarreeyaan shakhsi madax ahna waa ka sarreeyaan, waa wixii Soomaaliya ama khayr barwaaqo iyo sidii Illaahay raalli ka yahay ay ku aadi lahayd ama khasaaro iyo god mar labaad ay ugu dhici lahayd”.

Xildhibaanka ayaa arrimaha masiiriga ah ku tilmaantay iney ka mid yihiin; Dastuurka, Maqaamka Muqdisho, Awoodda Madaxweynaha, Awoodda Ra’iisul wasaraaha, awoodda golaha shacabka iyo madax banaanida Garsoorka oo intooduba ah arrimo muhiim ah una baahan in xal waara laga gaaro.

Xidhibaan Maryan ayaa si gaar ah hoosta uga xariiqday in dhibaatada ugu weyn ee dalka haystaa ay tahay dhanka Garsoorka oo haddii cadaalad la heli lahaa dalkuna uu gali lahaa xasillooni waarta, waxa la isku dilayaana ay tahay cadaalad darro, waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Xildhibaanka ayaa faahfaahisay in arrimahan oo dhani ay yihiin kuwo muhiim u ah in xal laga gaaro in muddo ahna is qabqabsigoodu uu soo taagnaa, haddii wax laga qaban waayan mugdi kale uu dalku sii gali doono.

Xildhibaan Maryan oo ah guddoomiyaha guddiga baaralmaanka ee dib u eegista dastuurka, ayaa xog ogaal u ah arrimaha masiiriga ah ee dalka lagama maarmaanka u ah in xal laga gaaro, kuwaas oo intooda badan la doonayo in dastuurku uu si cad u qeexo.

Arrimahan masiiriga ah ayaa intooda badani ku jiraan dastuurka dalka waxayna ka mid yihiin 5 cutub ee ugu dambeysay, uguna dhibka badneynd ee hor yaallay guddiga dib u eegista dastuurka, haddana ay u eegtahay in lagu simayo wax ka qabashadooda baarlamaanka 10aad ee dalka.

Goobjoog News