U bood dhigaalka

Xildhibaan Mataan “Qodobada Ay Soo Saareen Ra’iisul Wasaaraha Iyo Maamulka Jubba Ma Hakin Doonaan Mooshinka Baarlamaanka Jubbaland”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in qodobadii dhawaan ay isku af garteen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland aanu hakin doonin mooshinka ka yaalla baarlamaanka maamulkaasi.

Waxa u sheegay in mooshinka mar hadii laga dooday uu u baahan yahay in la dhameystiro, taasina ay tahay in loo codeeyo mooshinkaan, iyaguna ay sugayaan codeynta.

Codsiga xukuumadda Soomaaliya ee ku aadan in waqti loo siiyo arrinta ku aadan baarlamaanka Jubbaland ayuu ku sheegay in uu yahay mid kasoo daahay waqtigii loo baahnaa.

Sidoo kale waxa uu sheegay xildhibaanka in baarlamaanka Jubbaland aysan raali ka ahayn shacabka ku dhaqan gobalada Jubooyinka iyo Gedo, sidoo kalena la hareer maray Dastuurka KMG ee dalka u yaalla.

Xalka kaliya ee hadda lagu sixi karo baarlamaanka Jubbaland ayuu ku sheegay in uu yahay Mooshinkaan, lana ogaan doono wax walba markii loo codeeyo.

Goobjoog News