U bood dhigaalka

Xildhibaan Mataan “Waxaan Si Cad u Diidannahay Mooshinka Aan Sharciga Waafaqsaneyn Ee Laga Keenay Madaxweynaha”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan xubno shalay gudbiyay soo jeedinta laalista mooshin laga gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in iyaga oo xildhibaanno badan ah ay diidan yihiin mooshinkaasi.

Xildhibaanka oo faah faahin ka bixinayay mooshinkaan laalista ah ee ay u gudbiyeen gudoonka baarlamaanka ayaa sheegay in marnaba aysan raacsaneyn mooshinka madaxweynaha laga gudbiyay una arkaan been abuur madaxweynaha laga sameeyay.

Xildhibaanka oo si kooban inoogu akhriyay waxyaabaha ay mooshinkooda ku qoreen ayaa yiri.

“Waxaan diidannahay mooshinka aan sharciga waafaqsaneen ee ay wadaan qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo kusoo been abuurtay madaxweynaha, kuna soo darsadeen xildhibaanno aan waxba kala socon eedeymaha madaxweynaha loo jeediyay balse gadaal dambe ka baxay”

“Mudane gudoomiye mooshinkaan ma haysto wax sharciyad, wuxuuna abuurayaa xasilooni darro siyaasadeed” ayuu yiri xildhibaan Mataan.

Xildhibaanno tiradooda lagu sheegay 93 mudane ayaa mooshin waxa ay ka gubiyeen madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, ka dib markii ay ku eedeeyeen ku xadgudubka Dastuurka.

Goobjoog News