U bood dhigaalka

Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan Oo Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan ayaa u geeriyooday dhaawac shalay kasoo gaaray rasaas ay ku fureen koox hubeysan, xilli uu marayay nawaaxiga bacadlaha degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxriistee xildhibaanka ayaa waxaa soo gaaray dhaawac halis ah oo dhanka sare ee jirkiisa ah, waxaana taasi ay keentay inuu ku geeriyoodo Isbitaalkii lagu daweynayay.

Xildhibaanka Gurxan ayaa ahaa xoghayihii guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu noqonayaa xildhibaankii Shanaad ee sanadkaan gudahiisa la dilo.

Todobaadkii hore weerar lagu qaaday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday Xildhibaan Abtidoon oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal lasoo dhigay baraha Internetka ay ku leeyihiin Al-shabaab ayeey ku sheegteen mas’uuliyadda dilka xildhibaan Gurxan.

Goobjoog News