U bood dhigaalka

Xildhibaan Maxamed”Waa Naga Go’an Tahay Iney Doorashadu Dhacdo Sida Ugu Dhakhsiyaha Badan”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay iney ka go’an tahay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn xusay taariikh muhiim ah oo dhacdadeeda goobjoog ay u noqonayaan maalmaha soo aaddan, taas oo ah doorashada madaxweynaha oo markii ugu horreysay ay Labo gole ay si wadajir ah u dooranayaan:

“Labada aqal guddoonkoodii waa la doortay sida ugu dhakhsiyaha badan waxaa dhacaysa doorashada madaxweynaha, munaasabaddan aan wakhtiga u yeelannay waxay tahay taariikhda Soomaaliyeed Labo aqal oo baarlamaanka Soomaaliya ah oo ay labadoodiiba wada dooranayaan madaxweynaha waa wax taariikhda ku cusub”.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo magacaabayo guddi ka kooban labada gole oo cayimi doona xilliga doorashada madaxweynaha:

“Arrintaan guddoonka labada gole maanta(shalay) ayay fariisteen, waxaa meesha ka muuqata iney dardar gelin cusub oo ay tahay in wakhtiga la faa’idaysto ay meesha ka socoto, sida ugu dhakhsiyaha badanna go’aanno ayaa ka soo baxaya oo guddi labada aqalka ka socda ayaa la soo saarayaa oo loo diyaarinayo wakhtiga ku habboon iyo waxyaalaha xeer-hoosaadka ah”.

Mar aan wax ka waydiinna war-murtiyeed ka soo baxay beesha caalamka oo ay ku dalbanayaan in la dedejiyo doorashda madaxweynaya, ayuu yiri xildhibaanku:

“In waxan la dedejiyo shacabkeennu waa rabaa, baarlamaankiina waa rabaaa, degdegga ma maalinbaa ma labaa,ma isbuucbaa, guddi ayaan u saareynaa haddii Alle idmo, sida ugu dhakhsiyaha badan in arrintaasi dhacdo oo madaxweyne la doortay, shaqaa socota, waa naga go’an tahay in doorashda ay dhacdo sida ugu dhakhsiyaha badan”.

Maanta ayaa la filayaa in kulan wadajir ah ay yeeshaan Labada Gole ee  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo kulankooda maanta looga hadlayo arrimaha guddiga qabanqaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Goobjoog News