U bood dhigaalka

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris Oo Nasiib Darro Ku Tilmaamay Xariga Janan

Sheeko:Dalka, War

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee deegaan doorashadoodu tahay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa xaringa wasiirka amniga ee maamulkaasi Cabdirashid Janan ee Muqdisho kala hadlay Goobjoog News, isaga oo sheegay in ay nasiib darro tahay xarigiisa.

Xildhibaan Idiris oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri“Xarigga wasiirka oo xukuumadda federaalka la  sheegtay in ay xirtay oo aan arkaayay booliska twitter ay leeyihiin oo leeyihiin C ID danbi barista ayaa xirtay fal danbiyeed culusna uu u xiran yahay, waxaan rabaa inaan halkaas ka daba raaco taariikhdu markii ay aheyd 30-kii bishii afaraad 2019 ka waxaa jirtay waraaq sumadeedu aheyd  MGP oo dhigantay gobalka Banaadir/ DPN/59/2015 oo ku socotay qeybta barista danbiyada ee Interpol, waxaa ogaay ayaa la yiri waraaqda xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka, ujeedka waraaqda loo dirayna waxaa ay aheyd burin amar soo qabasho eedeysane maxkamadda gobalka Banaadir markii ay fiirisay galka sumaddiisu uu ahaa MGP/ MPL ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha waxaa ay go’aamisay in la buriyey soo qabashadii hare ee ninkaas lagu soo eedeeyay markii la fiiriyay qodabka 72-aad ee xeerka, markii la fiiriyey danta guud iyo cadaaladda, waxaa cafin loo fidiyay Cabdirashiid Xasan nuur Janan, marka ninka cafita loo fidiyay waa ninka hadda la xiray, walina aan la cadeyn sababihii looga laabtay”.

Warqadda uu Xildhibaan Idris ka hadlayo:

 

Dhanka kale, Xildhibaan Maxamed  Idiris waxaa uu qabaa iney nasiib darro tahay isaga oo yiri “Lakiin waxaa nasiib darro ah doorashadii Jubbaland oo markii diyaar garowgeeda lagu jiray  in lagu majaxaabiyo la rabay oo fashilantay  ayeey aheyd, nidaamka dowladnimo ma ahan inuu qof waliba sida uu rabo uu u hadlo lakiin waa dastuur iyo qawaaniin dalka u taala”.

Goobjoog News