U bood dhigaalka

Xildhibaan Mayow “Golaha Wasiirada Waxaa Lagu Soo Dhisay Wadatashi La’aan”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre aanu xildhibaannada kala tashan wasiiradii uu ku dhowaaqay 21-kii bishan.

Waxa uu sheegay in wasiirada aan la marsiin wadadii Dastuurka qabay, islamarkaana ay jiraan meello laga hareer maray Dastuurka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay in  hadallada kasoo yeeraya xildhibaannada aaney ahayn nacayb ay u qabaan xukuumadda cusub, balse ay doonayaan in wax un la saxo.

“Kadib markaan aragnay magacaabista wasiirada ee Ra’iisul waaaraha annaga xilhibaanno ahaan markaan daraasad ku sameynay waxyaabo badan oo xagga Dastuurka waafaqsaneyn ayaa lagu soo xulay wasiirada, waayo annaga Dastuurka baan ku dhaqannaa, waxyaabaha ugu weyn waxa weeye in marka hore xildhibaanka awood u leeyahay in uu wax ka hortago ama soo dhoweeyo inta qodobka 69-aad ayaa u ogolaanaya, tan kale wasiirada waxaa lagu soo xulayaa shuruudo sida ku qoran qodobka 98-aad farqaddiisa 2-aad xarafkiisa B, shuruudihii ma buuxiyeen, ugu yaraan jaamac inuu kasoo baxay, Khibrad iyo karti inuu leeyahay, wasiiradii markaan fiirinnay xulitaankooda dadna wey ku jiraan oo aqoon leh oo ay sii wadi karaan howshii, inta badan waxay u badan yihiin dad lagu soo qoray asxaab, tan kale waxaa meesha ku jirta awood qeybsigii, awooddii lagu heshiiyey oo aad iyo aad loogu tuntay, taasina waa mid dhaliil ah oo meesha ku jirta, tan kale wadatashigii la lahaa xildhibaanno baan kala tashannay, ururo bulsho ayaan kala tashannay waad aragteen cabashada ka timid ayaa shacabkii waxay leeyihiin waxbo nalagama tashan, diidmo kale ma ahan ee waa sixitaan, waxa lagu soo xulay wasiirada wadatashi la’aan, Ra’iisul wasaaraha wuu inoo yeeray, laakiinse markaasi waxay ahayd is barasho, xukuumaddana wuxuu dhahay waxaan kusoo dhisayaa si caddaalad ah oo awood qeybsi ah” ayuu yiri xildhibaanka.

Hadalka xildhibaan Mayow ayaa imaanaya xilli xildhibaanno gaaraya 105 ay Ra’iisul wasaare Kheyre u gudbiyeen qoraal ay kaga codsanayaan in dib u eegis uu ku sameeyo xukuumaddiisa kahor inta aanu horgeyn baarlamaanka.

Goobjoog News