U bood dhigaalka

Xildhibaan Nac-nac “Somaliland Raali Kama Ahan In La Eryo Haysom” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Somaliland ayaa kasoo horjeesatay go’aankii ay dowladda federaalka Soomaaliya ku ceyrisay Wakiilkii QM ee Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in aysan ku qnacin go’aankaas islamarkaana ay tahay mid lagu fududaaday.

Dhanka kale, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in ay xafiisyo siin doonaan Haysom haddii uu Hargeysa tago, islamarkaana wakiilkan in la eryo ay u gaartahay dowladda federaalka ah.

Waxa uu sheegay in Haysom ay si wanaagsan u wada shaqeynayeen Somaliland, sidaasi darteedna aysan iyagu raali ka ahayn in la eryo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News