U bood dhigaalka

Xildhibaan Nacnac “Puntland Waxay Diiddan Tahay Difaaca Xadkeenna”

Sheeko:Amniga

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somaliland ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in dhankooda ay difaacayaan oo kaliya xuduuddii uu gumeystaha u sameeyey deegaannada Somaliland.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in Puntland ay diiddan tahay in Somaliland ay ka adkaato amnigeeda, islamarkaana sidoo kale ay xirato xadkeedda.

“Puntland dulmi ayeey ka waddaa Tukaraq, waayo annaga waxaan u soconnaa oo kaliya inaan difaacanno xadkayaga oo ah halka Ingiriisku calaameeyey” ayuu yiri xildhibaanka.

Dagaallada ka socda Tukaraq ayuu sheegay in mas’uuliyad ahaan ay qaadan doonto Puntland.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News