U bood dhigaalka

Xildhibaan Nadiifo Maxamed: Haweenka Soomaaliyeed Hammigoodu Waa Ka Sarreeyaa 30%

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Nadiifa Maxamed Cusmaan oo horey u ahayd wasiirka howlaha guud ee dalka oo wareysi gaar ah siisay Goobjoog News ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed damacoodu uu ka weyn yahay 30% maadaama dumarku yahay laf dhabarta bulshada, bulshadana ay ugu badan yihiin.

Xildhibaan Nadiifa ayaa aaminsan in ay ka mideysan yihiin helidda saamiga loo qorsheeyay ee 30%.

“Waxaan aaminsanahay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin udub dhaxaadka bushada meel kasta oo ay joogaan qadiyadaan way ka go’an tahay waana ka mideysan yihiin, hal dhican ayay uga soo jeedaan, si aad ahna wey ugu ol’oleeyeen iney arrinkani meel marto, waxaan rajeynayaa bulshadana iney ka ajiibi doonto dacwada ay haweenku wataan”.

Xildhibaanka ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed hamigoodu ka weyn yahay 30%, laakiin ay tahay meel wax laga bilaabi karo:

“Waxaan wax ka fiiriyaa inteen joognaa, inteense u socnaa markii sharciyad ahaan laga fiiriyo 30% inaan isku xadidno maaha haddaan nahay haweenka, waxaan xiriirro badan la sameeyay bulshada rayidka, odayaal dhaqameedyada, dhalinyarada ardayda, waxyaabaha ay soo bandhigeen waxay ahayd, maxaad 30 iskugu xadideen? Maadaama bulshadii 50% in kabadan ay haween tahay, waxa dhaqaalaha abuurayaana ay haween yihiin, waxa bushada isku wadaa ay iga yihiin, qof kastaana uu qirsan yahay haweenku kaalinta uu kaga jiro bulshada, 30% waxay noo noqoneysaa meel aan wax ka bilaabayno, laakiin hammigeenu intaa wuu ka sarreeyaa”.

Doorashooyinka dalka ee 2016 ayaa haweenka looga qoondeeyay saami dhan 30%, kaas aan la ogeyn sida uu ku suurtogalyo, maadama doorashadii 2012 ee kal hore ay heli waayeen 12%  oo ahaa saami aad uga yar kan hadda ay raadinayaan.

Goobjoog News