U bood dhigaalka

Xildhibaan Odowaa oo Bogaadiyay Golaha Wasiirda Cusub ee Galmudug

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Abdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa hambalyo iyo bogaadin waxa uu u diray golaha wasiirada cusub ee maamulka Galmudug oo ay ka mid noqdeen xildhibaano caan ah.

Odowaa ayaa tilmaamay in madaxweyne Qoorqor uu ku guuleystay inuu soo dhiso golo wasiirro oo uu ku soo xulay karti, aqoon iyo matalaad deegaan intaba.

“Waxaan rabaa marka koowaad inaan u hambaleeyo Madaxweyne Qoorqoor oo ku guulaystay inuu soo dhiso gole wasiiro oo lagu soo xulay karti, aqoon iyo matalaad deegaan intaba, waxaan muddo aan fogeyn Madaxweynaha ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray inuu la heshiiyo dhinacyadii ka soo horjeeday, anigoo tilmaamay in ififaale fiicani ka soo muuqdo talaabooyinka uu qaaday Mudane Qoorqoor” ayuu yiri Odowaa.

Dhanka kale xildhibaan Odowaa ayaa sheegay in madaxweyne Qoorqoor uu ka muuqdo biseyl siyaasadeed, isaga oo xildhibaanada heer federal uga tanaasulay danta galmudug ku booriyay inay taariikhda gali doonaan.

Xildhibaanka ayaa yiri “Maanta oo kale, anoo u hambalyaynaya, Golaha wasiiirada cusub ee la dhisay, hadana waxaan leeyahay Madaxweyne Qoorqoor waxaad qaaday tallaabbo kale oo weyn oo muujinaysa inaad leedahay biseyl siyaaasadeed, xildhibaanada federaalka ee saxiibadeey ah oo u tanaasulay danta Galmudug & horumarinta deegaankooda ee kala ah Xildhibaan Ahmed Moallim Fiqi (Kabiirka) iyo Xildhibaan Abdisabir Nur Shurie waxaan leeyahay taariikhda ayaa xusi doonta sida aad ugu heelantihiin u adeegidda deegaankiinna iyo dadkiinna. Soomaalidu waxa ay tiraa “Sadaqo sokeeye dhaaftay sooma noqotaa la yiraa”, Xamarna, waxaa laga yiraa “Faynuus laga rabo Gurigaaga guri dadow looma shido”, go’aankaas geesinimada leh waa idinku garab taaganahay. Guulaysta adinka iyo wasiirada saxiiibdiin ah”.

Ugu dambeyn xildhibaan Odowaa ayaa ku baaqay in fursad la siiyo madaxweyne Qoorqoor iyo golihiisa.

Goobjoog News