U bood dhigaalka

Xildhibaan Puntland ku eedeeyay carqaladeynta shirka Cadaado (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in xiisadaha ka jira magaalada Gaalkacyo aysan saameyn shirka ka furmaya degmada Cadaado.

Xildibaan Maxamad Xuseen Nuur oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in maamulka Puntland oo dhaliilsan qorshaha dhismaha maamul goboleedka loo sameynayo Mudug iyo Galgaduud uu caqabado siyaasadeed ka abuurayo magaalada Gaalkacyo.

Mudanahan ayaa xusay in heshiisyo dhowr ah ay wada galeen maamullada Galmdug iyo Puntland oo ay horay uga baxeen dhinaca Puntland, kuwaasi oo uu sheegay in Galmudug ay ka gudbeen iyaga oo eegaya nabada deegaanka lagu wada daganyahay isaga oo ku baaqay in xiisadaha ka jira magaalada Gaalkacyo aysan saameyn shirka dhowaan ka furmaya magaalada cadaado.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay labada maamul in ay wada hadal ku dhameeyaan xiisada ka dhalatay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo.

Hoos ka dhageyso codka Xildibaan Maxamad Xuseen Nuur: