U bood dhigaalka

Xildhibaan Rajo Ka Muujiyey In Ay Dib U Bilowdaan Wadahadalladii Soomaaliya Iyo Somaliland

Sheeko:Dalka

Mudane ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa rajo ka muujiyey in dib u billowdaan wadahadalladii dowladda iyo maamulka Somaliland.

Xildhibaan Biixi Iimaan oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in wadahadallo la galo ay horseedi karaan heshiis la gaaro.

Waxaa uu tilmaamay in wadahadallada labada dhinac ay ku rajo weynyihiin in la isku afgarto waxaa uu intaas ku daray in wadahadalladan ay umadda Soomaaliyeed ay dan weyn ugu jirto.

“In Lawadahadlo waa ay fiicantahay waxaa la dhahay aan wadahadallo waa aan heshiinno, in lawadahadllo oo wixii ummadda Soomaaliyeed u dan ah laga wadahadlo lana isku afgaro ayay annaga filashadeynu tahay, waxaan aaminsanahay in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay ka dhaxeeyaan dano waa weyn”.

Wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa hakad galay kadib is faham waa Labada dhinac soo kala dhexgalay.

Dowladda federaalka Soomaaliya aya sheegtay sanadkii tagay  iney dar-dargelineyso wadahadalladii ay la lalaheyd Somaliland balse majiro ilaa iyo hadda wax ka qabsoomay.

Goobjoog News