U bood dhigaalka

Xildhibaan Rajo Ka Muujiyey Wadahadallada Dowladda Federaalka Ah Iyo Somaliland

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somaliland ayaa rajo ka muujiyey miradhalka wadahadal ay yeeshaan Somaliland iyo dowladda Federaalka.

Xildhibaan Maxamed Diiriye Nac-nac waxaa uu intaasi raaciyay in muhiim ay tahay markan in laga wada hadlo arrimaha masiiriga ah, isla markaana la doonayo in Labada dhinac ay ka wada hadlaan xaqiiqada.

Sidoo kale xildhibaan Axmed Maxamed ayaa ka hadlay  in aanay suurtagal ahayn in Somaliland ay dib ula midowdo Soomaaliya inteeda kale, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Wadahadalku waa wax aad u muhiim ah, waxa wada hadlayana waa Soomaali, balse meesha ma iman doonto in mar kale aan midowno, sidoo kale ma aqbali doonno in calanka aan mar kale idiin keenno, markii la gaaro Shanta Soomaali Alle ha na gaarsiiyo, annagu waan tashannay” ayuu yiri xildhibaanka.

Dhowaan ayaa la filayaa in ay dib dalka dibaddiisa uga bilowdaan wadahadalka u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada