U bood dhigaalka

Xildhibaan Saabir Oo Deeq Gaarsiiyay Naafada Cadaado

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya deegaan doorashadiisuna ay tahay magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa maanta waxa uu deeq raashin ah gaarsiiyay dadka naafada ah ee magaaladaasi

Qoysas gaaraya 33 qoys islamarkaanka ku sugan degmada cadaado ayaa xildhibaanku waxa uu gaarsiiyay raashin isugu jira bur, bariis iyo saliid.

Dadka naafada ah ee la gaarsiiyay deeqda ayaa waxa ay u mahad celiyeen Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye.

Xildhibaan Saabir oo laga soo doorto cadaado ayaa ka mid ah mudanayaasha isu taaga sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadka ay ku matalaan dowladda dhexe.

Daawo Sawirrada

Goobjoog News