U bood dhigaalka

Xildhibaan Saadiiq Warfaa Oo Ka Hadlay Dhismaha, Tababarka, Mushaarka Iyo Isdhexgalka Ciidamada Xoogga Dalka

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Sadiiq Xirsi Salaad Warfaa oo ah Xoghayaha guud ee guddiga difaaca golaha Shacabka ayaa sheegay in howlaha dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay meel wanaagsan mareyso.

Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa oo wareysi gaar ah siinayey Goobjoog News ayaa dhanka kale tilmaamay in hadda ay jirto dhibaato dhanka Manhajka tobabaridda ciidamada ah, maadaama dowlado kala duwan ay ciidanka Soomaaliya ay siiyaan tobabarro.

Mar uu arrintani ka hadlayey waxaa uu yiri “ Ciidamadeenna waxaa noo tobabaro dalal faro badan, dhibka jira waxaa waaye qaar waxaa noo tobabaro dalka Turkiga, qaar waxaa noo tobabaro dalka Imaaraadka Carabta, qaar kale waxaa noo tobabaro dalka Mareykanka, marka waxaa jira dhib ah annaga Manhaj mideysan oo ciidamada ah majiro”.

Xildhibaan Sadiiq mar uu ka hadlayey bixinta mushaaraadka ciidamadii uu tababari jiray Imaaraadka Carabta waxaa uu sheegay in baarlamaanka ay ka codsanayaan in la kordhiyo Miisaaniyadda ciidamada ku baxeyso oo hadda ah sida uu tilmaamay 40% waxaa uuna yiri.

“Waxaan xukuumadda u dirnay Farriin ah in ciidamada uu Imaaraadka ay ka jareen mushaaraadka in Miisaaniyadda lagu kabi lahaa in si degdeg ah ay golaha Shacabka ugu soo daraan”.

Xildhibaanka oo ka hadlayey mideynta ciidamada Soomaaliyeed waxaa uu dhanka kale tilmaamay in la furi doono kulyaddii JaalLe Siyaad ciidamadana lagu siin doono Koorsooyin Af-Soomaali ah waxaa uuna yiri.

“Waxaan ku faraxsanahay in Kulyaddii Jaalle Siyaad dib loo soonooleynayo, kulyaddaas markii la soo nooleeyo waxaa dib loo siin doonaa ciidamada Koorsooyin Af-Soomaali ah, oo ciidamadii ay noo tobabareen Imaaraadka, Turkiga, Mareykanka markii lagu soo xareeyo Kulyadda Jaalle Siyaad waxaa dib u tobabari doona oo casharro siin doono qubaro Soomaali ah”.

Mar uu ka hadlayey isku dhafka ciidamada waxaa uu yiri “ Qorshaha isku dhafka ciidamada waxaa uu ahaa in Maamul-goboleed kasta laga soo qaado saddex kun oo askari ka dibna la isku dhex daro oo dalka loo qeybiyo, guddigeenna difaaca waa ay naga go’antahay in dalkaani loo dhiso ciidamo xukuumaddana aan arrintaas kala shaqeyno waxa la dhisayo waa ciidan Soomaaliyeed oo Mideysan oo isku dhafan”.

Ugu dambeyn waxaa uu caddeeyay Xildhibaan Sadiiq Xirsi Salaad in bilowga bisha May lagu qaban  magaalada Brusells  Shir kaasi oo looga hadli doono  sidii Soomaaliya ay ula wareegi laheyd amnigeeda, waxaana shir guddoon ka noqon doono ra’iisulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Goobjoog News