U bood dhigaalka

Xildhibaan Sakariye “Jawaari Kaliya Looma Socdo Ee Baarlamaanka Oo Dhan Baa Loo Socdaa”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Sakariye  Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay xukuumadda Federaalka iney waddo qorshe ay ku burburineyso baarlamaanka hadda jira.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in mooshinka laga geeyay Jawaari aanu ahayn mid isaga kaliya ku eg ee uu yahay mid lagu soo weeraray guud ahaan baarlamaanka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale tilmaamay in iyaga ay yihiin kuwii la xisaabtami lahaa xukuumadda, balse aanay ahayn kuwii iyaga la kala burburin lahaa.

“Xaalad cusub oo aanan arki jirin baa hadda soo biirtay, xukuumad rideysa guddoomiyahii baarlamaanka ama soo farogelineysa baarlamaanka howshiisa, shaqadeenna waa inaan xukuumadda shaqadeeda ku koontaroolno, waayo iyaga iyo shacabka ayaan u dhaxeynaa, xaaladaasi iyada ah waxayba dhacday waqti aan ku habooneyn oo ah markii aan go’aan ka gaarnay shirkadda DP World, taasi oo  weerar iyo hujuum kusoo qaadday umadda Soomaaliyeed, meello badanna laga soo ceyriyey, iyadoo nabad loo seexday baan kusoo toosnay mooshin laga keenay Jawaari, waan la yaabnay, waxayna arrinta keentay in la kala jebiyo guddoonka baarlamaanka, xaalad cakiran waaye, annagu waxaan u aragnaa farogelintaasi iney tahay mid aan ku ekeen Jawaari ee baarlamaanka loo socdo” ayuu yiri xildhibaanka.

Mooshin laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sababay kala aragti duwanaansho fog oo soo kala dhexgalay xildhibaannada golaha shacabka.

Goobjoog News