U bood dhigaalka

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi Oo Nasiib Darro ku Tilmaamay Fashilkii Shirkii Garowe

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan golaha shabaka ayaa ka hadlay shirkii maalmahan ka socday magaalada Garowe kaas oo ku soo dhamaaday is afgaranwaa .

Xildhibaan sakariye  ayaa xusay in ay tahay waxaan loo fadhin oo nasiib darro ah in madaxdii dalka  shirkoodii natiijo la,aan uu soo dhamaado aanan loo daneen danta dalka iyo dad intaba waxa uuna sheegan golaha shacabka uu aad uga xun yahay..

“ Waa nasiib darro weyn oo aan loo fadhin oo fashilaad ah oo systemkii dowladnimo  ee heer gobal ilaa heer qaran ay fashilaad tahay aan loo fadhin, arrintaas shacabka Soomaaliyeed waa ka careysan yihiin, baarlamaanku waa ka careysan yahay”

Sidoo kale Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabd ayaa carabka ku dhuftay  madaxda dalka ay ka soo bixi waayeen shaqadii igmaday.

“Nimankii madaxda noo ahaa ee aan u igmanay iney dalkaan iney maamulaan oo Kuraasta lagu fariisiyay oo xuquuqda gaarka ah la siiyay heer gobol ha noqdeen ama heer dowlad dhexe ha noqdeene shaqadoodii waa ka soo bixi waayeen”

Dhanka kale Xildhibaanka ayaa xusay in baarlamanka Fedetalka Soomaaliya oo ka wakiil ah shacabka uu la xisaabtami doono madaxda dalka iyo dowlad-gobaledyadaba.sababta ay todobo maalin wax natiijo ah u gaati waayeen. .

“waana la xisaabtaaynaa sababta kentay in todobo maalin shir loo fadhiyo oo Madaxweynihii Raiisalwasaarihii iyo shantii madax gobaleedna ay joogeen ilaa hadaa ay fashil tahay waxa laga sugayo maxay tahay Haddii ay dalkaan ay ku heshiin waayeen inay maamulaan oo dhibaatada dadkaan ay ka saaraan maxaan ku halayneynaa”

Hadalka Xildhibaanka ayaa waxa uu ku  soo aadayaa ayadoo maanta shirkii ka socday magaalada Garowe uu ku soo dhamaaday is afrasho la,aan.

Goobjoog News