U bood dhigaalka

Xildhibaan Samiira Oo Baaq u Dirtay Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle oo kamid ah mudanyaasha golaha shacabka ee baarlamaanka, lagana soo doortay Hirshabelle ayaa baaq xasilooni siyaasadeed ah u dirtay maamulkaasi.

Samiira oo la hadashay Goobjoog News ayaa ugu horreyn sheegtay in ay jirto farogelin siyaasadeed oo dibadda uga imaaneysa maamulkaasi.

Waxay tilmaantay in looga baahan yahay guud ahaan mas’uuliyiinta Horshabelle in wax walbo ay ku dhameeyaan si hoose, bedalkii ay murankooda banaanka keeni lahaayeen.

“Waxay ila tahay in farogelin dibadda ah ay jirto…waxaan ugu baaqayaa dowlad goboleedka Hirshabelle in waxa jira si hoose loo xalliyo” ayeey tiri Xildhibaan Samiira.

Xildhibaannada baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa shalay waxay kalsoonida kala noqdeen madaxweyne Cosoble kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News