U bood dhigaalka

Xildhibaan Seynab “Haweenka Soomaaliyeed Waxay Ku Kala Qeybsameen Siyaasad”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Seynab Maxamed Caamir oo wareysi gaar ah siisay Goobjoog News ayaa ka hadashay munaasabadda 8 Marso , waxayna sheegtay in aysan jirin siyaasad degsan iyo qorshe ay sameysteen haweenka baarlamanka ku jira, isla markaana ay siyaasaddu kala qeybisay, isku duubni la’aanna ay jirto.

Seynab Caamir waxa ay xustay in weli haweenka ay culeysyo badan kala kulmayaan odayaasha dhaqanka iyaguna ay ku guul dareysteen in fikir mideysan ay qaataan iskaba daa in ay hablaha guud ahaan abaabulaan.

Waxa ay dhaliishay wasaaradda haweenka oo aan soo saarin qorshooyinkii looga baahnaa in la hirgeliyo waxay tiri “waxaan dooneynay in wasaaradda haweenku ay keento sharci ah in dastuurka lagu daro %30 haweenka loo qoondeeyay wasaaradda waxaan ka sugeynay xuquuqul-insaanka, markaa waxaan dareemaynaa in wasaaraddii dib u dhacsan tahay”.

Afka waxaa laga yiraahdaa gabdhuhu way israacsan yihiin laakiin arrinkaas ma cadcadda, gabdhihiina isma raacsana, gabdhihii qaarkood waxay iska dhex galeen reero iyo qabiil, Hooyadu qabiil ma laha.

Xildhibaanadda ayaa sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed aanuu wali fahamsaneyn siyaasadda, inkasta oo ay jiraan gabadho isku soo sharaxay madaxtinimada Soomaaliya, sanadkii 2004 waxa doorashada isku soo sharaxday Caasho Maxamed Cabdalla oo laakiin codkeeda oo kaliya ay heshay, markaa baarlamaanka waxaan ku ahayn dhowr iyo labaatan qof, gabar codsiisay ma jirto iskaba daa nin.

Xildhibaanadda ayaa hoosta ka xariiqday in haweenka baarlamaanka ku jiraa ay markasta la saftaan cidda ay hayb ahaan ka soo jeedaan waxayna tiri “baarlamaanka aan hadda ku jirno marka loo yeero wasiirradda gabar kastaa reerkeeda ayey iskala safaneysaa, raggii weli maskaxda ayey naga haystaan gabdhaha waxaa habboon iney meel kasoo wada jeestaan, inaan xisbiyo sameysanno , haddaanan awoodinna waa inaan ragga la gorgortannaa oo aan niraahnaa maxaad noo ogoshihiin”.

Xildhibaan Saynab ayaa xustay inuu jiro urur dumarka baarlamaanku ay leeyihiin, laakiin aan u shaqeyn sidii loo baahnaa isla markaan ay ka firfircoon yihiin haweenka kale ee ururada bulshada ee hay’adaha haysta.

Gabdhaha Soomaaliyeed waa gabdho ka karti badan gabdhaha kale ee adduunka, gabadhaha Soomaaliyeed gaajo ayey ku joogi kartaa, dulqaad ayay ku joogi kartaa, waxaan leeyahay gabdhaha Soomaaliyeed ha midoobaan, raggana anagaa isku keeni karna, isku duubnida ayaa lagu gaari karaa midnimo, nabad iyo Siyaasadda oo fiicnaata, shacabka haloo hiilliyo, dumarkuna hormuud ha u noqdaan siyaasadda dalka.

Xildhibaanka ayaa ugu danbeyn ka dhawaajisay welwel ay ka qabto in haddii baarlamanka la keeno sharcigii 30% ay adkaan doonto sida cod looga helayo baarlamaanka, haddii uu ansixiyana aaney suuro gal ahayn in loo ogolaado 90 xildhibaan oo haween ah in ay ka mid noqdaan baarlamaanka soo aaddan.