U bood dhigaalka

Xildhibaan Shaacir: Dadka Haloo Qeybiyo Muwaacinada Dalka Taalla

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan C/laahi Shaacir oo kamid ah mudanyaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ee abaartu ku hayso dalka la gaarsiiyo muwaacino uu sheegay in dalka ay taallo.

Xildhibaanka oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in isaga iyo xildhibaanno kaleba ay diyaar u yihiin in dadka Soomaaliyeed ee ay matalaan ugu shaqeeyaan si iskaa wax u qabso ah, islamarkaana guddiga gurmadka qaran ee abaaraha laga doonayo iney adeegsadaan xildhibaannadaasi oo kale.

Waxa uu sheegay in wixii yaalla ay muhiim tahay in dadka loo qaado oo aan shirar iyo wax lamid ah lala sugin, isaga oo ku celceliyey baaqiisa ah in la badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee abaarta u dhimanaya.

“Dalka mucaawino wey taallaa, waa in degdeg dadka loo gaarsiiyaa, waa inaan shirar lagu mashquulin, waxaa na dhibaya in dadkeenna ay baahi u dhintaan, guddiga gurmadka waan la kulmeynaa, waxaana diyaar u nahay aniga iyo xildhibaanno kale inaan la shaqeynno guddiga oo aan qaadno wax walbo oo shacabka loogu talogalay, dadku wey dhammaanayaan, yaa la xukumayaa haddii shacabkeena gaajo u dhintaan” ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaan C/laahi Shaacir ayaa ugu dambeyn sheegay in hadda la meelmariyey xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, markaanna loo baahan yahay iney lasoo baxdo shaqooyinkii ay ballanqaadeen in dalka iyo dadka u qabtaan.

Dalka guud ahaan waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada, waxaana jira dad badan oo u geeriyoodey gaajo iyo harraad.

Goobjoog News