U bood dhigaalka

Xildhibaan Shariif  Maxamed Cabdalla oo Dowladda Kenya Ku eedeeyay iney ka Faa’idaysaneyso Xaaladda Dalka Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ku eedeeyay dowladda Keyna iney doonayso badda yar oo ay haysato iney ka ballaarsato Soomaaliya .

Xildhibaanka oo aan la yeellanay wareysi dhinacyo badan taabanaya ayaa si adag uga hadlay dacwadda dhanka badda ee ka socda maxkamadda Caalaamiga ah ee ICJ, isagoo dalka Kenya ku tilmaamay mid damacsan in uu ka faa’idaysto xaaladda Soomaaliya si uu u boobo kheyraadka badda ee Soomaaliya;

 “Soomaaliya maadaama dalkeeda burbur xoog leh uu soo galay, dowladeedii burburtay, waxay noqontay in xuduudaheedii iyo badaheedii uu hunguri kasoo galo dowlado badan,  si kumeel gaar ah uga faa’ideysata oo ka kalluumeysata oo wixii ay ka qaadan karto ka qaadato iyo qadiyadaan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya oo sida la wada ogsoonyahay dowladda Kenya iyadoo ka faa’ideysaneysa xaaladda ay Soomaaliya ku sugan tahay iyadoo ka faa’ideysaneysa awoodda Milatari ee ay Soomaaliya Soo galisay, iyadoo  badeeda yar damacday maadaama ay Soomaaliya bad weyn haysto itaalkeeduna uu yaryahay iney qeyb weyn oo qani ku ah waxyaabaha badda laga helo, batrool iyo gaas waxay doonaan ha noqdeen bay ku dhaqaaqday iney sasabato madaxdii Soomaalida ahaa iyadoo rabtay iney ka gaarsiiso inta aaney dhismin dowlad xoogleh oo Soomaaliyeed iney baddaas kheyraad ka qodoto isla markaasna ay heshiisyo ama waxa lagu tilmaamay is faham la saxiixatay dowaldihii Kumeel gaarka ahaa oo sida la ogyahay aan ahay dowlad buuxda aan ahayn oo aan xaq u lahayn arrimaha waaweyn ee Soomaaliya iney go’aan ka gaarto iyadoo mataleysa ummadda Soomaaliyeed”, ayuu yiri xildhibaan Shariif.

Xildhibaanka ayaa arrin wanaagsan ku tilmaamay go’aankii 2009 baarlamaankii Kumeel gaar ahaa ee Soomaaliya uu ku laalay is afgaradkii dhanka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, waxaanuu yiri;

“Waxaa nasiib wanaag ah in baarlamaankii kumeel gaarka ahaa inuu arrintaa uu ka gows adeygay oo uu diiday, Kenya teknoloojiyo weyn oo ay kheyraadka uga faa’ideystaan ma laha sidaan filayo, shir kadaha waaweyn ee ka faa’ideysta dunida oo dhan, waliba waxaa la sheegaa dowlad  Scandinavia-ka ka tirsan iney shirkadaheedii ay ku dhiirrigeliyeen ayna rabeen iney ku tukhaantukhiyaan ama ku khasbaan oo ka dhaadhiciynaya”.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ahayd in lagala hadlo dhulka Soomaaliyeed ee gumaystuhu uu siiyay, maadaama la ogyahay in dhulkaasi yahay mid Soomaaliyeed, dadka degenna ay yihiin kuwa ku hadlay Af-Soomaali oo Soomaali ah, waxa uu tilmaamay in arrintaasi u dhaweyd dhanka caqliga oo ay ahayd in kiis arrintaa laga furo, laakiin in laga hadlo bad ay Soomaalidu leedahay ayaa waxa uu ku tilmamay mid nasiib darro ah.

Maxkamadda Cadaaladda dunida ee ICJ ayaa hadda waxaa ka socda wacwad dhanka badda ah oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la filayo in maxakamaddu ay go’aan ka soo saarto dhageysiga dacwaddan ka dib.

Goobjoog News