U bood dhigaalka

Xildhibaan Shariif oo Sheegay in Doorashada Madaxtooyada Soomaaliya Dib Loo Dhigay Labo Bilood

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay iney dhici karto doorashada Madaxtooyadu iney dib u dhacdo labo bilood.

Xildhibaanka oo si hor dhac ah ugu hadalay qodobada laga filayo shirka iyo shax hor dhac ah oo ay saxaafadda qaarkood hadal hayso ayaa yiri;

“Markii ugu horreysay oo wakhti xadidan la sheego, dhinaca sharciyadda iyo is waafajinta dastuurka iyo mudadaas siyaadada ah waa meesheeda, laakiin aamusnaantii hore saanaa dhaanta, tallaabo horey loo qaaday waaye maadama wakhti la xadiday, waxaa hareysa sida loo xadiday in loo fuliyo”.

Xildhibaanka ayaa si gaar ah u tilmaamay in dib u dhac uu ku imaanaayo doorashada madaxtooyada muddo labo bilood ah, si loo sharciyeeyo dib u dhacaasna loo baahan yahay in la maro wadada ku habboon;

“Jadwalku waa cad yahay, waxaa lagu beegay aqalka hoose ama baarlamaanka 14 October, aqalka sarena waa September dhexdeeda, tan madaxweynahana 7 November; arrinta baarlamaanka awalba waxaa la yiri wey sii shaqeynayaan inta baarlamaan cusub laga dhisayo, arrinta madaxweynaha oo ku eg 10 September waxaad moodaa wax ku dhow laba bilood in dib u dhacayso wakhtigii doorashadiisa la rabay, arrintaa kolley haddii la doono sharciyadda waa la waafajin karaa, siyaabo badan ayaana loola mucaamili karaa, in guddoomiyaha baarlamaanku uu sii hayo ayaa dhici karta inta la dooranayo madaxweyne cusub, in baarlamaanka ka fariisto oo talo ka gaaro ayaa dhici karta”, waana sida uu hadalka u dhigay xildhibaanku.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa sii raaciyay in ay tahay markii ugu rooneyd oo wax un la garan karo iyo wakhti la garan karo ay ka soo baxeen golaha Madasha, waxaanuu sheegay inuu aaminsanahay in sidiisa lagu ansixiyo.

Si kastaba; maanta ayaa la filayaa in shirka madasha wadatashiga qaran ay ka soo baxaan qodobadii looga fadhiyay ee doorashooyinka dalka, iyadoo si gaar ah looga sugayo madasha iney soo bandhigaan shaxda cusub ee doorashada oo ay ku howlgalayaan guddiga doorashooyinka dalka.

Goobjoog News