U bood dhigaalka

Xildhibaan Shariif: Wax  kalsooni Na Galin Kara in Doorasho Ku Dhacayso Wakhtigeedii Uma Jeedno

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa shaki ka muujiyay in doorashadu ay ku dhacdo wakhtigeeda, isagoo sheegay inaaney muuqan saan saantii arrinkaa suuto gelin lahayd.

Xildhibaanka oo wareysiga aan la yeelanay uu taabanayay dhinacyo farabadan ayaa sheegay  “Iney doorashadu ku qabsoonto mudadii tilmaaneyd oo illaa 20 Augusto ka hor ,  ma muuqdaan tallaabooyin la garan karo oo suurto galinaya, marka laga yimaaddo in guddigii doorashada la magacaabay isagana dhexdiisii is doortay oo ay markan u diyaarsan yihiin iney hawshii bilaabaan, wax kalsooni na galin kara in doorashadaasi ku dhacayso wakhtigeedii uma jeedno”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay tallaabooyinka ay ahayd in guddigu xilliganba ay fuliyaan:

“Waxay ahayd xilligan xilligan ergooyinku iney qoran yihiin, dadka wax dooranaya lasoo gudbiyo, waxay ahayd in goobaha naftigoodu ay calaamad san yihiin, waxay ahayd dhaqaalihii inuu soo gaaray iyo in kale in la ogaado, waxay ahayd guddiga doorashada loogu tala galay heer gobol iyo heer qaranba qof kastaa in wixii loogu tala galay uu haysto oo aanuu meel kale marti uga noqon, waxay ahayd inuu guddigu sheego maalintii ay doorashadu dhacaysay in la sheego, howlo badan oo haddoo kale iney qabsoomaan la rabay ma u jeedno, haddii waxaan lasoo bandhigin uu jiro waa halkeeda”.

Waxa uu sheegay haddii doorashada wakhtigeedii lagu qaban waayo ay taasi keeni karto in wakhtigu uu ka dhaco madaxtooyada:

“Maaha waxa uu wakhtigu ka dhacayaa baarlamaanka oo kaliya, madaxweynaha ayaa wakhtigiisu ku egyahay 10 bisha September, meel lama saarin, in ama baarlamaanku uu fadhiisto ama sidii xildhibaanada loo sameeyay oo kale la sameeyo ama in wakhtigii howsha loogu tala galay in la dhameeyo weeye”.

Xildhibaanka ayaa ku talo bixiyay in sida ugu wanaagsan ay tahay in dhaqaale dibadda aan laga sugin, suuf iyo xanjo in la isku dhajiyo ay tahay oo doorashada wakhtigeedii lagu qabto.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa lagu dhawaaqay 30 Juun ee bishii hore, iyadoo illaa hadana aaney jirin talloobo ay u qaadeen dhanka doorashooyinka, marka laga reebo iney abuukaate Cumar Maxamuud Cabdulle ay u doorteen guddoomiyaha guddiga Jimcihii lasoo dhaafay.

Goobjoog News