U bood dhigaalka

Xildhibaan Sheegay In Curyaamin Shaqo Ay Tahay u Yeerista Golaha Shacabka Ee Wasiir Xoosh

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdifitaax Maxamed Cali oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in shaqo curyaamin ay tahay in xilligaan  lagu mashquulo wasiirka Dastuurka oo maalmahan dambe ay ku dheganaayeen xildhibaannada qaar.

Waxa uu tilmaamay in xildhibaannada golaha shacabka ayba markii hore ku kala qeybsameen in loo yeero wasiirka, isaga oo tilmaamay in xildhibaannada ay u taallo shaqooyin ka weyn arrinkaasi.

Sidoo kale xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in haddii qoraalkii uu wasiirka soo dhigey barta uu ku leeyahay Twitter-ka la dhibsaday ay habooneed oo kaliya in warqad canaan ama cabasho loo diro.

“Wasiirka wuxuu wax ku qoreey beejkiisa Twitter-ka, fikirkiisa ayuu ku cabiray kuma waafaqsani wax alaale iyo wixii sharafta baarlamaanka meel uga dhacaya ha ahaado wasiir, xubin kale oo dowladda ama xubin kale ha ahaado laguma raacayo ninna, laakiin waxaa meesha ku jira annaga waxaanu nahay xubintii ugu sarreysay ee hay’addii sharci dejinta, marka annaga waa iney naga bilaabato ilaalinta sharciga wadanka inta lagu mashquulayo wasiir baa Facebook ama Twitter wax ku qoray, howlaha na horyaalla ama wadanku naga sugayo ama shacabka Soomaaliyeed naga sugayo baaxadda ay dhan yihiin ama ay la egyihiin nin walbo waa uu ka dheragsan yahay, marka marka ugu horreyso la keeno arrin siyaabo kala duwan loo xalin karo, oo loo xalin karo in canaan loo qoro wasiirka ama cabasho in laga dhigo arrin ay ku mashquulaan oo waqtigii baarlamaanka qaata waxay ila tahay iney qaldaneed, waxaa daliil kugu ah markii arrinkan la keenay baarlamaan wey ku kala jabeen, waxaan filayaan 88 iney u codeysay in baarlamaanka la horkeeno 77 ay u codeysay in arrintan baarlamaanka aan la horkeenin, waxay arrintan u muuqata ineysan arrin sax ah ahayn, haddii ay ahaan lahayd aqlabiyadda baarlamaanka wuu isku raaci lahaa” ayuu yiri xildhibaan C/fitaax.

Kulan shalay xildhibaannada golaha shacabka ay go’aan uga gaari lahaayeen wasiir xoosh ayaa baaqday kadib markii uu soo dhameystirmi waayay kooramka.

Goobjoog News