U bood dhigaalka

Xildhibaan Somaliland Ah Oo Sheegay In Axmed Madoobe Ka Codsadeen Ka Qeybgalka Caleema Saarkiisa

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Naasir Xaaji Cali oo ka mid ah baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in isaga iyo xubno kale oo isugu jira siyaasiyiin iyo xildhibaano ka qeybgali doonaan caleema saarka madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Wuxuu sheegay xildhibaanka in ay la dhaceen qaabkii ay u dhacday doorashada Jubbaland ,sidaasi darteedna ku dhiirogelisay in ay caleema saarka yimaadaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in hadda yihiin Lix qof oo Labo ka mid ah ka imaanayaa golaha Guurtida, sidoo kalena waxaa wafdigan qeyb ka ah xubno ma talaya xisbiyada mucaaradka Somaliland.

“Annaga safarka aan ku aadi doonno Kismaayo shaqo kuma lahan xukuumadda, markii aan la dhacnay sida ay doorashada u dhacday ayaan ka codsannay madaxweyne Axmed Madoobe inuu nagu casuumo caleema saarkiisa, waana uu inaga aqbalay” ayuu yiri xildhibaan Naasir.

Dhanka kale, xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland ay dan ka leedahay Jubbaland, taasi oo la mid ah kuwa ay Soomaaliya ka leeyihiin Turkiga iyo Qatar, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa la filayaa in dhowaan lagu caleema saaro magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoog News