U bood dhigaalka

Xildhibaan Somaliland oo Sheegey in Maamulka uu Cuburin Ku Hayo Dadka Awdal (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

xildhibaan axmed yaasiinIyada oo gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorame ay ka jiraan xiisado siyaasadeed oo dhashay kadib markii Suldaanka Beelaha Halkaasi dega uu ku dhawaaqay in ay ka go’ayaan Somaliland ayaa waxaa arrintani ka hadlay xildhibaan kasoo jeeda Awdal oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland.

Xildhibaan Axmed Yaasiin Cali ayaa sheegey in xukuumadda ay ciidamo tiro badan geysey gobolka Awdal, islamarkaasina arrintii waanwaanta lagu xalin lahaa ay isku dayayso in ay ciidamo iyo xoog u isticmaasho.

Wuxuu xukuumadda ku eedeeyey in ay jiraan ajandayaal kale oo dowladda u qarsoon oo ka weyn xal ka gaarista arrina Awdal.

“Amni Darro ma dhacdo adduunka illaa cadaalad daro ay dhacdo” ayuu yiri xildhibaan Axmed oo sheegey in haddii cadaaladda la waayo aysan nabad dhacaynin.

Wuxuu dowladda ka codsaday in ciidamada tirada badan ee Boorame lasoo dhoobey lagu celiyo xeryahoodii, muranka jirana lagu dhameeyo qaab wadahadal.

Dhageyso

 

 

Goobjoog News