U bood dhigaalka

Xildhibaan Soo Dhoweeyey Heshiiska Madaxda Galmudug

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Axmed Cabdi Axmed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo dhoweeyey heshiis ay magaalada Muqdisho ku gaareen madaxda ugu sarreysa Galmudug oo khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyey.

Xildhibaankan ayaa isaga oo ku sugan degmada Dhuusamareeb wuxuu sheegay in guul weyn ay tahay heshiiska is afgradka ah ee laga gaaray wixii jiray.

“Shacabka iyo xildhibaannadaba wey soo dhoweynayaan heshiiskaan dhacay, waxaana rajeeneynaa in si wanaagsan loo dhammeystiro” ayuu yiri xildhibaanka.

Dhanka kale, xildhibaan Axmed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in la dardargeliyo howlaha shaqo ee maamulka Galmudug si loogu adeego shacabka maamulkaasi.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ku xigeenkiisa Maxamed Xaasshi iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa Muqdisho ku dhammeeyey khilaaf muddo soo socday.

Goobjoog News