U bood dhigaalka

Xildhibaan Soomaali Ah Oo Dilay Labo Qof

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa magaalada Jarati waxa uu ku dilay Labo nin, deegaankaasina waxa uu ahaa midka isaga isaga laga soo doorto.

Wararku waxay sheegayaan in xildhibaanka wax dilay lagu magacaabo Bashiir Diiriye, wuxuuna watey bistoolad iyo qori sharciyeesan oo uu dilka ku fuliyey.

Labada nin ee uu dilay ayaa lagu kala magacaabayey Macalin Cumar iyo Weli Xuseen, iyadoo deegaankaasi aad looga hadal hayo.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Labada ruux ee xildhibaanka uu dilay ay horey uga mid ahaayeen Jabhadda ONLF oo nabadda qaadatay.

Goobjoog News