U bood dhigaalka

Xildhibaan tilmaamay in shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka uusan hakan doonin

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in shirka maanta lagu wado in uu ka furmo magaalada Kismaayo uusan u hakan doonin go’aankii ka soo baxay Kornel Barre Aadan Shire (Hiiraale).

Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi Xeroow oo ka mid ah mudaneyaasha ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka ayaa isaga oo u waramayay Goobjoog FM waxa uu sheegay in shirka ka furmaya magaalada Kismaayo uu ka mid ahaa qodobadii ka soo baxay heshiiskii Addis Ababa.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in ay jiraan dad uu sheegay in ay caqabad ku yihiin dhismaha maamul dadku u dhan yihiin isaga oo shaaciyay in Barre Hiiraale uusan shirku u hakan doonin hadii uusan ka qeyb galin oo uusan tagin magaalda Kismaayo.

Hadalka xildhibaanka ayaa ku soo beegmaya xilli maanta magaalada Kismaayo uu ka furmayo wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo.

Hoos ka dhageyso codka Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi Xeroow: