U bood dhigaalka

Xildhibaan Ubax Tahliil Oo Shacabka Galgaduud Iyo Mas’uuliyiintooda Ugu Baaqday Ka Shaqeynta Nabadda

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in baarlamaanka uu ka xun yahay colaadda kasoo cusboonaatay gobalka Galgaduud gaar ahaan degmada Dhuusamareeb oo dhawaan dagaallo ay ka dhaceen.

Waxay sheegtay xildhibaannada inay u tacsiyeeynayso dhammaan dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay dagaalkii degmada Dhuusamareeb.

“Shacabka iyo mas’uuliyiinta Galgaduud intaba waxaan leeyahay yaan la siyaasadeen dagaalka Dhuusamareeb, gobolka wuxuu u baahan yahay nabad galyo, in umadda wax loo qabto, in loo turo shacabka masaakiinta ah ee meesha ku nool, waa laga tagay waqtigii qoriga, waxaa loo dhaqaaqay in miis la wada fariisto misane la wada hadlo, qalin lagu xisaabtamo, la is wacyi geliyo, waxaa la rabaa in umadda ay ka siman tahay nabagalyada iyo walaalnimada, Galmudug iyana waxaan leeyahay ka shaqeeya nabadda, dhinaca kalena waxaan leeyahay ka shaqeeya nabadda, Labada dhinacba waxaa la rabaa inay u turaan umadda Soomaaliyeed oo dhan, magac xumo yaan lasoo jiidin, sharafta yaan la iska qaadin, waxaa la rabaa dadka gobolka isku hayoow inaad wada tashataan oo gogol wada dhigataan” ayeey tiri xildhibaannada.

Waxay sheegtay in baarlamaanka uu ka damqanayo dhiiggii shacabka Soomaaliyeed ee ku daatay dagaalkii degmada Dhuusamareeb ka dhacay oo dadka shacabka ah ay waxyeellada kasoo gaartay.

Degmada Dhuusamareeb ee gobolka Gedo waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Ahlu-sunna iyo sidoo kale ciidan uu hogaaminayey sarkaal lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne.

Goobjoog News