U bood dhigaalka

Xildhibaan Ugu Baaqay Maamulka Gobalka Banaadir Wax Ka Qabashada Waxyaabaha Maanka Dooriya

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Ibraahim Saalax Dayfullah oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday maamulka gobalka Banaadir in wax laga qabto meelaha lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya.

Waxa uu carabka ku dhuftay degmada X/weyne oo uu sheegay in lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya, isaga oo sheegay in hadii aan la qaban dadka waxyaabahaasi iibiya ay dhibaato u keeni doonto dadka shacabka.

“Degmada X/weyne waxaa lagu iibin jiray waxyaabaha dunida ugu qaalisan, hase ahaatee maanta meelahaasi waxaa lagu iibinayaa waxyaabaha maanka dooriya, caruurteenii ayaa lagu fasahaadinayaa, marka maamulka degmada iyo kan gobalka Banaadir waxaan leeyahay degdeg wax halooga qabto arrinkaasi” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa dhanka kale bulshada ku dhaqan degmada X/weyne waxa uu ugu baaqay in iyaguna ay la shaqeeyaan ciidamada amniga oo ay sheegaan meel walba oo waxyaabaha maanka dooriya lagu iibiyo.

Hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya xilli Seddexdii maalin ee ugu dambeysay ciidamada dowadda ay howlgallo ballaaran ka wadeen qaar ka mid ah xaafadaha degmada X/weyne, gaar ahaan goobaha lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya, iyadoo howlgaladaasi lagu qabtay in ka badan 100 qof.

Goobjoog News