U bood dhigaalka

Xildhibaan Walaac Ka Muujiyey Dib u Dhaca Jadwalka Doorasho Ee Dalka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan guddiga dastuurka ee baarlamanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News  ayaa sheegey in uu walaac ka muujinayo dib u dhaca Jadwalka doorashooyinka dalka, waxaanuu sheegay in loo baahan yahay in dowladdu ay arrinta doorashada ku bixiso dadaallo dheeraad ah si loo dardar galiyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Xildhibaan Cabdullaahi oo aan la yeelanay wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanayaa ayaa si gaar ah xoogga u saaray arrimaha doorashooyinka iyo hirgelin la’aanta ka jirta jadwalka doorashooyinka dalka.

“Waxaad mooddaa inuu jiro walaahow badan oo jadwalkii la dajiyay ku saabsan kaas oo daladdii iyo xukuumaddii ay ku heshiiyeen ee lagu wargelinaayay doorashooyinka, inuu dib u dhaca yimidna waa loo wadajeedaa oo jadwalka ku saabsan, waa arrin mudan in wax la is weydiiyo meeshii laga aadi lahaa iyo sidii wax la yeeli lahaa”ayuu yiri xildhibaanku.

Xildhibaanka ayaa tilmamay ineysan jirin wax dowladda ka maanacaya iney ku dhawaaqdo dib u dhaca doorashooyinka, laakiin ay tahay laga wada tashado oo wax la isla meel dhigo:

“Waxay ila tahay howl walba oo la qabanaayo waxay u baahan tahay in shuruudaheeda ay u buuxsamaan, duruufihii saamaxayayna la helo oo aysan kala dhantaalneyn, haddii aanay wali soo wada idlaanin dhinac walba qoor qabad meesha ma jiro, dhinaca amniga dhinaca dhaqaalaha, dhinaca diyaar garowga, dhinac walba marka laga eego shuruudihii haddayna soo wada dhameys tirmin, wax ka maanacaaya ma jiraan dowladda , laga soo bilaabo madaxweynaha, xukuumadda, baarlamaanka iyo dowladda goboleedyada in la isku yimaaddo oo go’aanka ku habboon laga qaato ama dib u dhig ha noqdo ama shuruudihii loogu talogalay dardar galinaayo ha noqotee”.

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in haddii doorashada wakhtigeedii ku dhici weydo la isku khasban yahay, ayna noqon doonto in qaab siyaasadeed wax lagu xalliyo, si aan dalka uga dhicin gaab dowladeed iyo firaaq dastuuri ah.

Sanadkaan 2016 ayaa la filayay in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban, waxaase muuqan fulinta ka jirta dhanka jadwalka Doorasho oo walwal badan dhalisay in dib u dhac uu ku yimaaddo doorashadii dalka.

Goobjoog News