U bood dhigaalka

Xildhibaan Xaaf “Somaliland Wey Siyaasadeysay Imaanshiyaha Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Yemen”

Sheeko:Baarlamaanka

Xidhibaan Axmed Ducaalle Gelle Xaaf oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Somaliland ay siyaasadeysay u gurmashada shacabka ku dhibban dalka Yemen.

Waxa uu sheegay in la xiray shaqsi Soomaali ah, islamarkaana dalka Yemen ku noolaa muddo badan, kaasi oo uu sheegay in uu fududeynayay imaanshiyaha dadkaasi iyo qaabka doonida loo soo kireynayo.

“Somaliland Wey Siyaasadeysay Imaanshiyaha Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Yemen Ka Imaanaya, waxa ay diideen in dadkii yimaadaan, waxay xireen nin wanaagsan oo howshaasi gacan weyn ka geysanayay oo waliba ehelkiisa Yemen joogeen, doonidaan markii ay Berbera tagtay waxa aynu rabnay in kuwo kale aan soo qaadno oo ninkaasi doonta uu ku laabto”

Arrintaan ayuu sheegay in dad badan ay u direen si Somaliland ay wax uga bedasho go’aankeeda, isaga oo rajo ka muujiyay in xaaladda sida ay hadda tahay iska bedasho.

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa ku dhibban wadanka Yemen oo dagaallo ay ka socdaan, waxaana 24-kii bishan Somaliland ay ku dhawaaqday in dekadaheeda ka xiran yihiin dadka Yemen kasoo cararaya.

Goobjoog News