U bood dhigaalka

Xildhibaan Xaqiijiyey Inuu Jiro Mooshin Ka Dhan Ah Xukuumadda

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xubno kamid ah baarlamaanku ay wadaan mooshin ka dhan ah Xukuumadda federaalka.

Xildhibaan Maxamed Cabdikaafi Maxamed oo wareysi siiyay Goobjoog ayaa sheegay in baarlamaanku aynaan isku raacsanayn mooshinka ka dhanka ah xukuumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre.

Waxa uu tilmaamay xildhibaanka in marnaba aanay diyaar u ahayn iney qeyb ka noqdaan mooshin lagu kala dirayo ama lagu carqaladeynayo howlaha horyaalla xukuumadda Soomaaliya.

“Mooshinka dadka sida ay u sheegayaan iyo sida uu yahay waxaan u maleynayaa iney kala duwan tahay, dad baarlamaanka kamid ah oo laga yaabo iney isku abaabuleen siyaasad ahaan waa ay jiraan, cid mooshin isku raacsan oo dowladda ka dhan ah oo baaarlamaanka oo dhan ah ma jiro, waxaan kuu sheegayaa annaga inaan diyaar u ahayn inaan qeyb ka noqonno mooshinka laga keeno xukuumadda oo lagu kala diro ama lagu carqaladeeyo howlaheeda” ayuu yiri xildhibaanka.

Waxaa jira hadal hayn ku aadaneyn in xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ah oo tiro ahaan weli caddeyn inta ay la egyihiin ay wadaan mooshin ka dhan ah xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Goobjoog News