U bood dhigaalka

Xildhibaan Xasan C/laahi: Cabsi Kama Qabno Iney Dib u Dhacdo Doorashada Galmudug

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Xasan C/laahi oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in wax cabsi ah aysan ka qabin dib u dhac ku yimaada doorashada madaxweyne ee maamulkaasi.

Waxa uu sheegay in 10-ka bishan April ay dooran doonaan madaxweynaha hoggaamin doona maamulka Galmudug.

“Kolley hadda ma jirto wax cabsi ah oo aan ka qabno in doorashada ay ka dib dhacdo waqtigii loo ballamay, waxaan ku faraxsannahay in 10-ka bishan aan dooran doonno hoggaamiyaha cusub ee Galmudug”

Dhanka kale Xildhibaan Xasan ayaa ugu baaqay shacabka Galmudug, gaar ahaan kuwa ku sugan degmada Cadaado iney aad u adkeeyaan ammaanka guud ee degmadaasi, ayna ka fogaadaan wax walbo oo wax u dhimi kara amniga.

Guddiga doorashaa maamulka Galmudug ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi ay ku tartami doonaan 3 musharrax, kadib markii ay dhammaatay mudadii diiwaangelinta.

Goobjoog News