U bood dhigaalka

Xildhibaan Xasan Macalin Oo Dalka Canada Kula Kulamay Ciyaartooydii Hore Ee Soomaaliya

Sheeko:Cayaaraha

Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa caasimada dalka Canada ee Toronto kula kulmay ciyaartooydii hore xulka qaranka ee kala ah Mukhtaar Maxamed Axmed (Mukhtar Cuti) iyo Maxamed Xaaji wuxuuna xilidhabaanka casuumada uu ka helay bahda isboortiga Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Canada.

“Waad mahadsantihiin ma qiyaasi karo sida uu yahay dareenkayga bahda isboortiga Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan way ka duwanyihiin dadka kale,sababtoo ah waa saaxiibo iyo walaalo is jecel waxayna ku midaysanyihiin ka shaqeynta wanaaga iyo isku xirka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha iyo gudaha Soomaaliya”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay xilidhibaan Xasan Macalin Maxamuud.

09-Maarso 2019-Xildhibaan Xasan Macalin oo safar shaqo ku joogay magaalada London ee dalka England ayaa la kulmay wafdigii iyo mas’uuliyeentii kooxda qurbajoogta ee caasimada Muqidsho u imaaday ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada bishii October 2018, isagoo kolkaa sheegay in uu diyaar u yahay dhiiri gelinta iyo garab istaagida dhalinyarada ciyaartooyda ku koray ee qurbaha ee doonaysa in ay imaadaan wadankoda hooyo ee Soomaaliya.

“Waa mid ka mid ah xildhibaanada sida wanaagsan u taageera horomarinta iyo garab siinta isboortiga waxaad la socotaa in uu kaalin mug leh ka qaatay guulihii uu laacib Feysal Axmed la gaaray xulka qaranka Soomaaliya tani wa fursad kale uu xildhibaanka ku doonayo in dhalinyaro badan oo xirfado wanaagsan ay dalka yimaadaan”waxaa Gooboog ugu waramay Cabdi Axmed Cabdulle oo ka mid ah bahda ciyaaraha UK.

Xildhibaan Xasan dhalinyaradii uu taageeray sanadkii lasoo dhaafay dalkana u imdaay is-dhaxgalka bulshada xulka Soomaaliyana guulo la gaaray waxaa qeyb ka ahaa Feysal Axmed Xasan oo ka yimid Norway,isagoo xulka u dhaliyay ilaa afar gool welina uu qeyb ka yahay.


“Ciyaartooyda imaanaysa Soomaaliya waxa ay fure u yihiin horomarka isboortiga waxayna booqashadooda dhaxgal u tahay iyo in is bartaan laaciibtinta gudaha iyo kuwa qurbajoogta waana wax loo baahan yahay sababtoo ah dhalinyarada imaanaysa waxa ay baranayaan dhaqanka iyo dalka ay lee yihiim” Xildhibaan Xaasan Macalin.

Sida uu qorsha yahay 2019 waxaa Soomaaliya kusoo wajahan kooxo badan oo qurbajoog ah kuwaas oo u imaanaya ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho waxaana talaabadan falanqeeyaaasha gudah ay u arkaan mid guulo u horseedi karta isu soo dhawaashaha kooxaha gudaha iyo qurbajoogta.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle