U bood dhigaalka

Xildhibaan Xasan Yare “DFS Shaqo Kuma Lahan Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa uga digey dowladda dhexe, farogelin ay ku sameyso doorashada Jubbaland ee la filayo in dhowaan ay ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay xildhibaanka, in sidoo kale AMISOM aanay wax farogelin ah ku sameyn karin doorashada Jubbaland, sababtuna ay tahay in howsha ay dalka u joogaan ay tahay la dagaalanka Al-shabaab.

“AMISOM waxay dowlad goboleedka Jubbaland ka codsato un bay kula shaqeyneysaa…Jubbaland waxaa jooga ciidamada Booliiska, Nabad sugidda iyo sidoo kale kuwa Daraawiishta, Jubbaland iyadaa mas’uul ka ah doorashadeeda…Dowladda federaalka wax shaqo ah oo ay ku leedahay ma jirto doorashada dowlad goboleedyada” ayuu yiri xildhibaan Xasan Yare.

Jubbaland ayaa looga diyaar garoobayaa doorashada baarlamaanka iyo sidoo kale tan madaxweynaha, waxaana jira musharraxiin badan oo isku soo taagay xilalkaasi.

Goobjoog News